DEG DEG:- Qarax xoogan oo qasaare geystay oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goordhaw uu halkaasi ka dhacay qarax aad u xoogan oo geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxaasi ayaa sida la sheegay ahaa miino lagu aasay goob maqaayad ah oo ku taala xaafada Sii-Sii ee degmada Dayniile, waxaana xilligii uu qaraxa dhacaayay maqaayadaasi ku dhex sugnaa askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Hal askari ayaa la xaqiijiyay inuu qaraxaasi ku geeriyooday, waxaana sidoo kale ku dhaawacantay ilaa 4 kale, kuwaas oo dhamaantood ku dhex-qayilayay maqaayadda qaraxa ka dhacay.

Ciidamada nabad-sugidda qaranka oo markii dambe soo gaaray goobtaasi ayaa halkaasi ka qaaday askartii dhaawacantay, iyo sidoo kale kii geeriyooday, waxayna halkaasi ka sameeyeen baaritaano.

Dhinaca kale, ma jirto cid loo soo qab-qabtay qaraxaasi, ama sheegatay mas’uuliyadiisa.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!