FALANQEYN:- Afar caqabad oo heysata dhismaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka cusub Soomaaliya (AKHRISO)

Dhismaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ah qodobka ugu adag ee horyaala doorashada 2016 oo marar badan dib u dhac ku yimid, waxaana aqalkan ay dad badan qabaan inaysan qaadi karin Soomaaliya.

Dowladii xilkeeda dhamaaday ee Xasan Sheekh ayaa laga saaray dhismaha Aqalka Sare oo dib loogu dhigay dowladda xigta oo hadda dhismaheeda uu haddana dhibaato ku noqday, waxaana jira arrimo ku xeeran dhismaha Aqalkan oon weli kala caddeyn.

Guddiga Doorashada dadban ayaa u qabtay in xubnaha Aqalka sare la doorto 10-ka bishan Oktoobar, taasoo u muuqata inaysan dhici karin.

Qaabka loo dooranayo xubnaha Aqalka sare waxaa laga dhigay mid ay soo xulayaan madaxda maamul goboleedyada, kadibna ay dooranayaan baarlamaanka maamul goboleedyada.

Hadii si kale loo dhigo waa Baarlamaan ay keensanayaan madaxda maamulada oo doonaya inay awood ku yeeshaan dowladda federaalka, laakiin sidee Baarlamaankaasi suuragal u tahay in loo sameeyo.

Dhibaatada ka taagan dhismaha Aqalka sare waxaa caddeyn u ah in ilaa 4 jeer la bedelay tirada xubnihiisa iyo qaabka loo xulaayo ayna madaxda madasha Qaran ku qaateen waqtigii ugu badnaa Aqalkaasi oo hadda u muuqda caqabad ku dhegan qabsoomidda doorashada 2014.

Maamulka Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan

Waa caqabada ugu weyn ee hor taagan dhismaha Aqalka sare ee Baarlamaanka, weli lama sameyn maamulkii labada gobol oo ay ahayd inuu soo magacaabo musharixiinta Aqalka sare, xitaa haddii la doortana waa maamul la isku heysto oo waqti kale qaadan doona.

Arrinta Somaliland

Somaliland oo laga dhigay maamul goboleed xubnaha ka jooga Koonfurta Soomaaliya ayaa qaadacay Aqalka Sare, iyagoo diidan xubnaha laga siiyay aqalkan, waxayna weli taagan yihiin inay doorashada bannaanka ka joogaan.

Ma cadda xal loo heli karo arrintan, cidda soo xuleysa musharixiinta, cidda dooraneysana waa su’aalo kale oo aan jawaab lahayn xitaa hadii ay ogolaadaan.

Gobolka Banaadir (Caasimadda)

Arrin aan xal loo helin oo markii lagu daalay laga gudbay jawaab la’aan ayaa iyaduna ahayd in gobolka Banaadir xubno laga siin waayay Aqalkan Sare, waana arrin kale oo muujineysa khaladaaska uusan ku dhismi karin Aqalkani.

Maamulada dhisan iyo Aqalka Sare

Aqalka sare waxaa lagu saleeyay xubnihiisa qaab maamul goboleed oo marka kor laga fiiriyo fudud, laakiin markii maamul kasta hoostiisa la tegay xubnihii uu ka helay Aqalka sare waxay arrintii isu bedeshay 4.5 iyo qaab qabiil inay u qeybiyaan, maadaama aanay jirin qaab kale oo Soomaalida awoodda ku qeybsan karto.

Arrintan waxaa ka dhashay muran iyo is qabsi, waxaa kaloo la ogaaday in beelaha waaweyn ay qaateen inta badan xubnihii Aqalka Sare iyadoo ay ku qadeen dhammaan beelihii yar yaraa ee .5 laga dhigay markii horeba.

Suuragalnimada Dhismaha Aqalka Sare

Marka la eego caqabadaha hor yaala qaab dhismeedka iyo awood qeybsiga lagu saleeyay dhismaha Aqalka sare waxaan suuragal ahay in qaabkan uu ku dhismo Aqal sare oo heshiis lagu yahay ama Soomaalidu u siman tahay, waxaana lagama maarmaan ah in dib loo dhigo ugu yaraan 4 sano oo kale, hadiise sidan lagu amaamudo Aqalkan waxaa cad in dowladda soo socota aysan ka bixi doonin jahwareer keena waxqabad la’aan.

DIGNIIN:- Fadlan Dhowr Xuquuqda Qoraalka

error: Content is protected !!