Galmudug oo si kulul uga jawaabtay war-saxaafadeedkii ay soo saareen Puntland (AKHRISO)

Kadib dagaalkii shalay ka dhacay xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo oo u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa soo baxaaya eedeymo ay labada dhinac isku jeedinayaan cidda rasmiga ah oo dagaalkaasi bilawday.

Maamulka Galmudug ayaa jawaab culus ka diray eedeymaha uga imaanaya maamulka Puntland, kaas oo ahaa in Galmudug ay dagaalka u adeegsatay dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-shabaab, waxaana arrinkaasi si kulul uga jawaabay Galmudug.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ee Galmudug ayaa lagu faah-faahiyay sida ay wax u dhaceen, waxaana war-saxaafadeedkaan loogu jawaabayaa war-saxaafadeed ay dhawaan soo saareen maamulka Puntland.

Hadaba war-saxaafadeedka ay soo saareen Galmudug ayaa u qornaa sida hoos ku xusan:-

Waxaa magaalada Gaalkacyo ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowlad-goboleedka Galmudug iyo kuwa Puntland kadib markii ay dhismo ka bilaabeen dhul aan dhismo loogu talo gelin oo murano ka jireen iyaga oo howlgalkooda ka bilaabay rasaas ay soo fureen, ciidamada Galmudugna halkaas ayay difaac iyo iska caabin ka bilaabeen.

Waxaa wax lala yaabo ah in Puntland war-saxaafadeed ku soo saarto waxaa na soo weerar ciidamada Galmudug iyo Al-shabaab isgarabsanaya taas oo ah faham aad u hooseeya, waayo wax isgarabsi ama cilaaqaad ah oo ka dhaxeeya ama ka dhaxeyn kara dowlad goboleedka Galmudug iyo Al-shabaab ma jiro, balse Galmudug iyo Al-shabaab waxaa ka dhaxeeya dagaal, waxaana ka go’an Galmudug in ay ka sifeyso degaanadeeda Al-shabaab.

Waxaa kale oo nasiib darro ah in Puntland ku sheegtay war-saxaafadeedka ay soo saartay in duulaanku uu ah mid aargoosi ah oo looga jawaabayo dagaalki jeexdin, taas oo aan u aragno in ay Puntland ugu saantirayso weerarka ay soo qaaday waxayna caddayn u tahay waxa xumaatada ah ee ka buuxa qalbiyada maamulka Puntland. Halka Galmudug ay ka go’antahay ku shaqaynta mabaadiiada nabad-ku-wada noolaasho dhexe marata laba shacab iyo labada maamul sida aan horayba ugu baaqnay marar badan.

Galmudug waxy u bandhigaysaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamkaba( EU, AU, IGAD) in ay hoos u eegaan dhadhansadaana erayada deelqaafka ah ee mar walba kasoo baxaya maamulka Puntland, isla markaana xal loo helo erayada ah Galmudug iyo Al-shabaab is garabsanaya ayaa na soo weeraray, iyo Al-shabaab ayaa lagu laayaya Jeexdin, taas oo aan u aragno in Puntland ay dab shidan ku sii shubayaan shidaal, waxaana uga digaynaa Maamulka Puntland ku cel-celinta erayadaas ay beryahan caadada ka dhigteen, ku cel-celinta erayadaas wixii cawaaqib xumo ah ee ka yimaada waxaa masuuliyadeeda qaadi doona Maamulka Puntland.

=DHAMAAD=

Wixii faah-faahin ah fadlan kala xiriir:
Md. Maxamuud Aadan Cusmaan
Wasiirka Warfaafintga Hanuuninta Dhaqanka iyo Dalxiiska
Dowlad Goboleedka GalMudug ee Soomaaliya
E-mail:mesagaway2@gmail.com
Tel: +252616562950

error: Content is protected !!