Axmed Madoobe oo soo saaray liiska musharixiinta Jubbaland ee Aqalka Sare Baarlamaanka (AKHRISO)

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa habeenkii xalay soo saaray liiska musharxiinta xubnaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya u matali doono Jubbaland.

Tirada xubnaha u sharaxan Aqalka Sare ee Jubbaland ayaa gaaraya ilaa 20 xubnood, waxaana xubnahaasi laga soo xuli doonnaa ilaa 8 xubnood oo Jubbaland u matali doonno Aqalka Sare ee baarlamaanka cusub.

Sidoo kale, xubnahaan ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay hortagaan baarlamaanka maamulka Jubbaland, si looga soo doorto 8 xubnood oo Jubbaland u matala Aqalka sare ee baarlamaanka cusub Soomaaliya.

Hoos ka aqriso liiska musharixiinta Jubbalanad ee Aqalka Sare Baarlamaanka

liiska-musharixiinta-jubbalandliiska-musharixiinta-jubbaland-2

error: Content is protected !!