Odayaasha Puntland iyo Galmudug oo xabad joojin kala dhex dhigay ciidankii dagaalay (DHAGEYSO)

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in goordhaw uu soo idlaaday shir ay magaaladaasi ku yeesheen Odayaasha dhaqanka, Culimadda iyo Waxgaradka kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug.

Uljeedka shirkaas ayaa sida la sheegay ahaa sidii loo joojin lahaa xiisadaha ka dhex aloolsan maamulada Galmudug iyo Puntland, wuxuuna shirkaasi gaar ahaan ka dhacay halka ay iska galaan labada maamul ee magaalada Gaalkacyo.

Odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo culimadda ee shirkaasi ka qeyb gashay ayaa ugu dambeyn soo saaray dhowr qodob oo xiisadaha halkaasi ka aloolsan dejin karta, waxaana qodobadaasi ka mid ahaa:-

1-  In labada dhinac ay dhaqan geliyaan xabad joojin rasmi ah.

2-  In labada dhinac ay kala qaadaan ciidanka is-hor fadhiya oo xiisadda sii kicin karta

3-  In labada dhinac ay sida ugu dhaqsiyaha badan bilaabaan wadahadal rasmi ah iyo nabadeyn

Sidoo kale, dhamaan odayaasha iyo waxgaradka shirkaasi ka qeyb gashay ayaa baaq u diray dadka u dhashay gobolka Mudug iyo maamulada Galmudug iyo Puntland, waxayna ugu baaqeen inay ka qeyb qaataan nabadda iyo heshiiska labada dhinac la dhex dhigay, islamarkaana laga shaqeeyo nabadda.

Ugu dambeyntii, Odayaashaasi ayaa sheegay in maalinta berri ah ay booqan doonaan dhulka ku yaal Koonfurta Galbeed ee magaalada Gaalkacyo, halkaas oo la sheegay inay isku heystaan dad kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug.

error: Content is protected !!