Xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeele oo goordhaw lagu dhaariyay magaalada Jowhar (SAWIRO)

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in goordhaw halkaasi lagu soo gaba-gabeeyay munaasabadda xafladda dhaarinta xildhibaanada baarlamaanka maamulka Hirshabeele.

Ilaa 73 xildhibaan oo ka tirsan maamulka cusub ee Hirshabeele ayaa goordhaw loo dhaariyay xilalkooda, waxaana munaasabada xil dhaarinta kasoo qeyb galay qaar ka mid ah mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo waxgarad ka socda maamulkaas.

Tirada guud ee xildhibanaada baarlamaanka Hirshabeele ayaa waxay gaareysaa 89 xubnood, balse waxaa xafladdii dhaarinta ee galabta joogtay 73 oo keliya.

Ammaanka goobta ay dhaarintu ka dhaceeysay ayaa ahaa mid si aad ah loo adkeeyay, waxaana mas’uuliyiinta goob-jooga aheyd munaasabadda xil dhaarinta ka mid ahaa wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa”

Xildhibaanadda cusub ee la dhaariyay ayaa waxaa ku jira ilaa 3 haween, wuxuuna wariyaha Bulshoweyn ee ku sugan goobtaasi soo sheegayaa in haatan ay soo gaba-gaboowday munaasabadaas.

dhaarinta_xildhibaanada_hirshabeele_01 dhaarinta_xildhibaanada_hirshabeele_02 dhaarinta_xildhibaanada_hirshabeele_03 dhaarinta_xildhibaanada_hirshabeele_04 dhaarinta_xildhibaanada_hirshabeele_05 dhaarinta_xildhibaanada_hirshabeele_06 dhaarinta_xildhibaanada_hirshabeele_07dhaarinta_xildhibaanada_hirshabeele_09dhaarinta_xildhibaanada_hirshabeele_08

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!