DEG DEG:- Heshiiskii xabad joojinta ahaa ee Gaalkacyo oo fashilmay iyo rasaas laga maqlayo magaalada

Wararka naga soo gaaraya magaaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in galbeedka magaaladaasi haatan laga maqlayo dhawaqa rasaas goos goos ah iyo hubka waaweyn oo ay is dhaafsanayaan ciidamada maamulada Galmudug iyo Puntland.

Labadaasi dhinac oo maalintii shalay heshiis seddax qodob ka kooban la dhex dhigay ayaa haatan u muuqda mid fashilmay, waxayna qodobadaasi kala ahaayeen sida soo socota:-

1-  In labada dhinac ay dhaqan geliyaan xabad joojin rasmi ah.

2-  In labada dhinac ay kala qaadaan ciidanka is-hor fadhiya oo xiisadda sii kicin karta

3-  In labada dhinac ay sida ugu dhaqsiyaha badan bilaabaan wadahadal rasmi ah iyo nabadeyn

Dhinaca kale, cabsi horleh ayaa waxaa soo food-saartay dadka ku nool galbeedka Gaalkacyo, waxaana maanta dib loo xiray goobihii ganacsi oo saakay qaarkood dib loo furay.

Xaaladda magaalada Gaalkacyo ayaa haatan u muuqata mid faraha kasii baxday, iyadoona ilaa iyo haatan aanay jirin wax heshiis rasmi ah oo ka dhaqan galay labadaas dhinac.

Dhinaca kale, mid ka mid ah waxgaradka magaalada Gaalkacyo oo aynu qadka teleefanka kula xiriirnay ayaa inoo xaqiijiyay in magaalada Gaalkacyo maanta laga maqlayo hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana uu fashilmay heshiiskii nabadeed oo ay shalay soo jeediyeen odayaasha iyo waxgaradka Puntland iyo Galmudug.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa haatan xaafadaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug dib uga bilawday barakac aad u xoogan oo ay wadaan dadka deegaanka, kuwaas oo ka cararaya dagaalada soo noq-noqodka leh oo aan weli heshiis rasmi ah laga gaarin.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!