DEG DEG:- Qarax aad u xoogan oo goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo qasaare culus oo ka dhashay

Qarax aad u xoogan islamarkaana loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goordhaw ka dhacay agagaarka masjidka Macalin Dhiblaawe ee ku yaala xaafadda Suuq Bacaad ee magaalada Muqdisho.

Ciidanka nabad-sugidda oo macluumaadka gaarigaas hore u haysay ayaa inta uusan qarxin kahor gacanta ku dhigay gaariga iyo ninkii watay, kaas oo markii dambena qarxay.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku dhaawacantay ilaa 4 qof oo dhamaantood ahaa dad shacab ah, waxaana goobta uu qaraxa ka dhacay haatan soo buux dhaafiyay ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda qaranka.

Dadka ku dhaawacmay qaraxaasi ayaa loola cararay xarumaha caafimaad ee magaalada Muqdisho, iyadoona ilaa iyo haatan la ogeyn halka uu gaarigaasi bar-tilmaameedkiisu ahaa.

Dhinaca kale, ciidanka nabad-sugidda qaranka ee NISA ayaa haatan su’aalo weydiinaya ninkii gaarigaas watay.

Ma jirto cid ilaa iyo haatan sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi, waxaana inta badan qaraxyadda ceynkaan oo kale looga bartay inay magaalada Muqdisho ka geystaan Xarakada Al-shabaab.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!