DEG DEG:- Xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeele oo goordhaw doortay gudoomiye KMG ah

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa waxay sheegayaan in xildhibaanada baarlamaanka cusub ee maamulka Hirshabeele ay goordhaw guddoomiye KMG ah u doorteen Maxamuud Siyaad Barkhadle.

Kadib kulan balaaran oo ay maanta magaalada Jowhar ku yeesheen xildhibaanadaasi ayaa waxay gudoomiye KMG ah u doorteen Maxamuud Siyaad Barkhadle, kaas oo shir gudoomin doonna kulamadda soo socda oo ay xildhibaanadaasi yeelanayaan.

Dhinaca kale, gudoomiyaha KMG ee maamulka Hirshabeele Maxamuud Siyaad Barkhadle ayaa xilkaasi sii heyn doonna ilaa 12-ka bishaan aynu ku jirno ee October.

Xildhibaanadaas ayaa 12-ka bishaan October soo dooran doonno gudoomiye baarlamaan rasmi ah, iyagoona 15-ka bishaan sidoo kale dooran doonna madaxweynaha rasmiga ah ee uu maamulkaasi yeelanayo.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!