Waxaa maanta wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ay soo saartay jadwalka dhameystirka dhismaha maamulka Hirshabeele oo haatan dhismihiisa ka socda magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.
Sida ku xusan jadwalkaan cusub, ayaa waxaa 13-ka bishaan October la dooran doonnaa guddoonka baarlamaanka maamulka Hirshabeele, halka madaxweynaha maamulkaas la dooranayo 15-ka bishaan Oktoobar.
Dhinaca kale, jadwalkaan cusub ayaa u muuqda mid kusoo beegmay waqti aad ciriiri u ah oo aan ku fileynin in waqtiga sidaas u yar lagu dhameeyo howlaha dhan ee dhiman.
Hoos ka aqriso jadwalka dhameystirka dhismaha maamulka Hirshabeele