Xildhibaanada Hirshabeele oo kulankoodii ugu horeeyay maanta ku dooranaya gudoomiye KMG ah

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in xildhibaanada maamulka Hirshabeele ee shalay lagu dhaariyay magaaladaasi ay maanta yeelan doonaan kulankoodii ugu horeeyay tan iyo markii xilka loo dhaariyay.

Xildhibaanadaasi ayaa maanta kulankooda ku dooran doonno gudoomiye KMG ee shir gudoomin doonno kulamada ay yeelanayaan, wuxuuna gudoomiyahaasi si KMG ah xilkaasi usii heyn doonaa ilaa 12-ka bishaan aynu ku jirno.

12-ka bishaan Oktober ayaa lagu wadaa in xildhibaanada maamulka Hirshabeele ay doortaan gudoomiyaha rasmiga ah uu yeelanaayo maamulka Hirshabeele, waxaana markaasi kadib la guda gali doonaa doorashada madaxweynaha cusub ee maamulkaas oo iyadana dhici doonta 15-ka bishaan.

Ugu dambeyntii, tirada guud ee xildhibanaada baarlamaanka Hirshabeele ayaa waxay gaareysaa ilaa 89 xubnood balse xildhibanaada shalay la dhaariyay ayaa tiro ahaan ahaa ilaa 73 xildhibaan, waxaana ku jiray ilaa 3 haween ah.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!