Muwaadin British ah iyo 2 haween oo asalkooda Soomaali yahay oo goordhaw gacanta lagu dhigay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in ciidanka nabad-sugidda dalkaasi ay duhurnimadii maanta guri ku yaala xaafada Gigiri kasoo qabteen muwaadin British iyo 2 haween oo asalkooda Soomaali yahay.

Dadkaasi ayaa dhamaantood looga shakisan yahay inay diiwaan gelin iyo tababar u sameynayeen dad Kenyaan ah si ay ugu biiraan Xarakada Al-shabaab.

Ciidanka booliska ayaa sidoo kale sheegay inay heleen qalab muujinaya casharada tababarka iyo buugaag kale oo ay dadkaasi wateen.

Taliska booliska ayaa ilaa iyo haatan wax faahfaahin kale ah ka bixin arrinta dadkaan ay soo xireen ciidanka, mana jiro wax sawiro iyo magacyadda dadkaasi loo soo bandhigay warbaahinta.

Warkaan oo Af-English ah ka aqriso HALKAAN

error: Content is protected !!