War-murtiyeed kasoo baxay Puntland oo eedeyn loogu jeediyay dowladda Soomaaliya (AKHRISO)

War-murtiyeed kasoo baxay madaxtooyadda Puntland ayaa waxaa eedeeyn loogu jeediyay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaas oo lagu eedeeyay inay garab siinayaan ciidanka Galmudug oo dagaalka kusoo qaaday magaalada Gaalkacyo qeybta ay ka taliso Puntland.

Waxaa sidoo kale war-murtiyeedka lagu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay hub iyo rasaas fara badan geysay magaalada Cadaado iyo koonfurma magaalada Gaalkacyo, halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidanka Galmudug.

Dhinaca kale, war-murtiyeedka waxaa kaloo lagu sheegay in dagaalka ka socda magaalada Gaalkacyo uu yahay mid lagu doonayo in lagu carqaladeeyo ammaanka gobolka iyo sidoo kale geedi socodka doorashooyinka dadban ee 2016-ka.

Si kastaba ha ahaatee, war-murtiyeedka maanta kasoo baxay madaxtooyadda Puntland ayaa kusoo beegmaya xilli maalmo ka hor ay Puntland ku eedeysay in Galmudug iyo Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen Gaalkacyo, islamarkaana ay isbaheysi leeyihiin, wuxuuna war-murtiyeedka ay maanta soo saartay Puntland uu u muuqdaa mid jah-wareersan.

Hadaba nuqul ka mid ah war-murtiyeedka oo soo gaaray warbaahinta Bulshoweyn ayaa u qoran sida soo socota:-

war-murtiyeed-eedeyn-puntland

error: Content is protected !!