XOG RASMI AH:- Sida loo qeybsan doonno xilalka sare ee maamulka cusub Hirshabeele (AKHRISO)

Inkastoo uu haatan gaba-gabo maraayo dhismaha maamulka labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe (Hirshabeele) ayaa hadane waxaa soo shaac baxay in heshiis qarsoodi ah si hoose loogu qeybiyay beelaha labada gobol ee ka mid noqonaya maamulkaasi.

Warbaahinta Bulshoweyn oo baaritaan dheeeraad ah sameeysay ayaa ugu dambeyn u suurto gashay inay hesho shaxda rasmiga ah, iyo sida loo qeybiyay xilalka ugu sareeya maamulka Hirshabeele oo haatan dhismihiisa weli ka socda magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

Habada shaxda wax lagu qeybsan doonno ayaa ah sida hoose ku xusan:-

1- Beesha Xawaadle:- waxay heli doonaan Madaxweynaha maamulka Hirshabeele

2- Beesha Abgaal:- waxay heli doonaan Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Hirshabeele

3- Beesha Gaaljecel:- waxay heli doonaan Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeele

4- Beesha Gugundhabe:- waxay heli doonaan Gudoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka maamulka Hirshabeele

Si kastaba ha ahaatee, qorshahaan awood qeybsiga beelaha degga labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa la sheegay inay kasoo shaqeeysay madaxweyne Xasan Sheekh iyo urur goboleedka IGAD, iyadoona warbaahinta Bulshoweyn ay hore u shaacisay xog ku saabsan in nin kasoo jeeda beesha Xawaadle loo qorsheeyay in loo dhiibo xilka madaxweynaha maamulka Hirshabeele, halka caasimadda maamulkaasi loo qorsheeyay in laga dhigo magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

DIGNIIN:- Fadlan Dhowr Xuquuqda Qoraalka

error: Content is protected !!