Dowladda Kenya oo laga codsaday inay jawaab deg deg ah ka bixiso xariga Tom James

Dowladda Britain ayaa dowladda Kenya ka codsatay inay jawaab deg deg ah kasoo bixiso xaaladda muwaadin British ah oo maalintii shalay lagu xiray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Ciidanka nabad-sugidda iyo kuwa la dagaalanka argagaxisadda dalka Kenya ayaa maalintii shalay si xoog ah ku galay guri uu magaalada Nairobi ka degan yahay muwaadin u dhashay dalka Britain oo lagu magacaabo Tom James, waxayna halkaasi kusoo xireen ninkaasi iyo sidoo kale 2 haween ah oo asalkoodu Soomaali yahay, kuwaas oo xilligaasi la joogtay ninkaas.

Dadkaasi lasoo xiray ayaa dhamaan lagu eedeeyay inay tababaro iyo diiwaan gelin u sameynayeen muwaadiniin Kenyaan ah, si ay ugu biiraan Xarakada Al-shabaab.

Ciidanka booliska Kenya ayaa haatan waxay ninkaasi iyo labada haween ee Soomaaliyeed u gudbiyeen xarunta weyn ee booliska Kenya ugu qaabilsan dambi baarista, si ay su’aalo dheeraad ah u weydiiyaan.

Dowladda Kenya ayaa ninka British-ka ah ku eedeeysay inuu dad u qoraayay Xarakadda Al-shabaab, islamarkaana gurigiisa laga helay cadeeymo muujinaya ku lug-lahaanshiyaha falkaasi lagu eedeynayo.

Dhinaca kale, wargeyska The Telegraph ee kasoo baxa magaalada London ayaa maanta lagu qoray in muwaadinkaasi British-ka ah uu howl-fuliye ka ahaa xiriirka dadweynaha (Public Relation Executive), islamarkaana uu ka shaqeeynayay mashaariicda la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisadda.

Tom James oo 32 jir waxa uu kasoo qalin jebiyay Jamaacadda The University of Leeds ee dalka Britain, wuxuuna haatan la shaqeeyaaa hay’adda isgaarsiinta caalamiga ee M&C Saatchi ee uu fadhigeeda dhexe yahay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Ugu damebyntii, wargeyska The Telegraph ayaa qoray in Tom James oo ah muwaadinka Britisha-ka ee lagu xiray Kenya uu luuqada carabiga ah kasoo bartay jaamacad ku taala magaalada Dimishiq ee dalka Suuriya, islamarkaana uu haatan ku yara hadli karo luuqadaha carabiga iyo sawaaxiliga.

Wargeyska ayaa sidoo kale qoray in Tom James uu hore saxafi madax-banaan ahaan uga soo shaqeeyey dalalka Syria, Lubnaan iyo Iraq. HALKAAN KA AQRISO WARBIXINTA OO ENGLISH AH

error: Content is protected !!