Warbixin ku saabsan xariga muwaadin British ah iyo 2 haween oo asalkooda Soomaali yahay (AKHRISO)

Wararka haatan naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa sheegaya in goordhaw ay ciidanka booliska Kenya shaaciyeen magacyadda iyo dhalashada seddaxdii qof ee maalintii shalay laga soo qabtay guri ku yaala xaafadda Gigiri ee magaalada Nairobi.

Dadkaan la qabtay ayaa la sheegay inay kala yihiin 1 nin oo British ah iyo 2 haween oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya balse kala haysta dhalashada Denmark iyo Kenya.

Waxaa dhamaan seddaxdaasi qof la sheegay in looga shakisan yahay inay dad Keenyaan ah tababaro iyo diiwaan gelin u sameynayeen, si ay Al-shabaab ugu biiraan.

Dhinaca kale, war-qoraal ah oo goordhaw kasoo baxay booliska Kenya ayaa lagu sheegay in seddaxdaasi qof haatan su’aalo lagu weydiinayo xarunta dambi baarista ee magaalada Nairobi islamarkaana arrintooda dhawaan lasoo gaba-gabeyn doonno.

Seddexdaasi qof ayaa waxa magacyadooda lagu kala sheegay sida hoos ku xusan:-

1- Tom James waa nin British ah islamarkaana 32 jir ah.

2- Yaasmiin Sheekh, waa haweeney asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya balse haysata dhalashada Denmark

3- Zam-zam Xuseen iyadane waa haweeney Soomaali Kenyaan ah

Si kastaba ha ahaatee, maalintii shalay ayay aheyd markii seddaxdaas qof laga soo qabtay guri uu degan yahay Tom James oo ku yaala xaafadda Gigiri ee magaalada Nairobi, waxaana ilaa iyo haatan aan la ogeyn waxa ay labada dumar ee asal ahaan kasoo jeeda Soomaali ay halkaasi ka sameynayeen, inkastoo la sheegayo inay saaxiibo la ahaayeen ninkaasi British-ka ah.

error: Content is protected !!