DEG DEG:- Dagaal xoogan oo dib uga qarxay galbeedka Gaalkacyo iyo shacabkii halkaasi oo isaga qaxay

Wararka haatan naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in galbeedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug uu goordhaw ka bilawday dagaal aad u xoogan oo u dhaxeeya ciidamo ka kala tirsan maamulada Galmudug iyo Puntland.

Dagaalkaasi oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa goordhaw dib uga bilaawday galbeedka magaalada Gaalkacyo, waxaana ilaa iyo haatan la ogeyn qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaas.

Ciidamada kala taabacsan maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa maalmihii ugu dambeysay isku hor-fadhiyay galbeedka magaalada Gaalkacyo, waxaana xiisadaha dagaal ee u dhaxeeya labadaasi dhinac uu noqday mid dhowr jeer kusoo noq-noqda deegaanada ku yaala gobolka Mudug.

Dadka ku sugnaa galbeedka magaalada Gaalkacyo ayaa dhowr maalmood kahor isaga qaxay galbeedka magaalada Gaalkacyo, kuwaaso oo u barakacay qeybaha kale ee ka tirsan magaalada Gaalkacyo.

Xaaladda magaalada Gaalkacyo ayaa maanta ah mid aad u kacsan, waxaana gebi ahaan maanta magaalada laga maqalayaa hubka culus ee daran-dooriga u dhaca iyo rasaas badan, lamana oga qasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, maadaama uu weli socdo.

Wixii kusoo kordha warkaan dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!