Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho iyo seddax ka mid ah raggii aasayay qaraxaasi oo ku geeriyootay

Waxaa saqdii dhexe ee xalay magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadda Ex-Control Balcad ee degmada Heliwaa laga wada maqlay qarax aad u xoogan, oo la sheegay inuu ahaa miino dhulka lagu aasayay oo qaraxday.

Qaraxaasi ayaa la sheegay inuu ahaa miino ku qaraxday raggii aasayay, xilli ay damacsanaayeen inay ku aasaan xaafada Ex-Control Balcad ee degmada Heliwaa.

Waxaa qaraxaasi miino la xaqiijiyay inay ku geeriyootay seddax ka mid ah raggii aasayay.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Xalane oo warbaahinta la hadlay ayaa u xaqiijiyay dhimashada seddaxdaasi nin oo ay miinadu ku qaraxday.

Wuxuu afhayeenku sheegay in raggaasi ay damacsanaayeen inay dhibaato gaarsiiyaan umadda Soomaaliyeed balse dhagartii ay damacsanaayeen ay iyaga ku noqotay.

“Koox miino dhigeysay xaafadda Ex-Control ayaa miinadii ku qaraxday, seddax ka mid ah raggaasi way ku dhinteen, dhibkii ay umada la rabeen ayay iyaga ku noqotay” Sidaasi waxaa yiri Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Xalane.

Dhinaca kale, ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda qaranka ayaa qaraxa ka dib goobta uu qaraxa ka dhacay gaaray, waxayna baaritaano ka sameeyeen goobtaas.

Saacadaha soo socdo ayaa la filayaa in saraakiisha nabad-sugidda iyo mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir ay faah faahin ka bixiyaan qaraxaas.

error: Content is protected !!