Sheekh Cismaan Barre oo loo doortay gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka Hirshabeele (SAWIRO)

Xildhibaanada baarlamaanka maamulka cusub gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe ee Hirshabeele ayaa gelinkii dambe ee maanta gudoomiye baarlamaan cusub u doortay Sheekh Cismaan Barre Maxamed.

Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa doorashadaasi ku helay ilaa 61 cod, halka Sheekh Abuukar Xasan Cali Maqaneey oo doorashada kula tartamaayay uu isna helay 28 cod.

Sheekh Abuukar Xasan Cali oo ah musharaxii laga guuleystay ayaa u hambalyeeyay gudoomiyaha baarlamaanka Hirshabeele Sheekh Cismaan Barre Maxamed,wuxuuna Alle ugu baryay inuu la garab galo xilkaas culus ee loo doortay.

Inta aysan doorashada bilaaban kahor waxaa tanaasul sameeyay Cali Cabdulle Isgooy oo isna ahaa musharaxii seddaxaad ee jegadaasi isu soo sharaxay.

Dhinaca kale, gudoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo doorashadaasi goob-joog ka ahaa ayaa bogaadiyay talaabadda ay xildhibaanadu ku doorteen afhayeenkooda baarlamaan, isagoona middaasi ku macneeyay guul usoo hooyatay dadka reer Hirshabeele.

Sidoo kale, wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Odowaa oo isna ka mid ahaa dadkii goobjoog ka ahaa doorashada ayaa u hambalyeeyay gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxgaradka iyo ergadada gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe ku ammaanay dulqaadka ay u muujiyeen dhismaha maamulkaas oo in muddo ah dhismihiisa soo jiitamaayay.

Ugu dambeyntii, gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka maamulka Hirshabeele Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa isla maanta loo dhaariyay xilka cusub ee loo doortay.

doorasho_hirshabeele doorasho_hirshabeele_01 doorasho_hirshabeele_08 doorasho_hirshabeele_09doorasho_hirshabeele_02 doorasho_hirshabeele_03 doorasho_hirshabeele_04 doorasho_hirshabeele_05 doorasho_hirshabeele_06 doorasho_hirshabeele_07

error: Content is protected !!