Wararkii ugu dambeeyay dagaaladii ka dhacay magaalada Gaalkacyo iyo sida ay caawa xaaladdu tahay

Waxaa xilligii maqribka ee caawa gebi ahaan istaagay dagaalkii aadka u xooganaa ee maanta ka dhacay galbeedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kaas oo saameyn aad u balaaran ku yeeshay xaafadaha ay ka kooban tahay magaaladaas.

Dagaalkaas oo u dhaxeeyay ciidamada maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa dib u bilaawday subaxnimadii hore ee maanta, kaas oo markiisii hore ku bilawday si qabooban oo ay hubka u dhacayeen si teel-teel ah.

Balse markii ay saacadu ahayd abaare 3-dii galabnimo waxaa aad usii xoogeystey dagaalka u dhaxeeyay labadaasi dhinac, iyagoona isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo weliba laga maqlayay gebi ahaan magaalada Gaalkacyo.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaasi ku geeriyootay ilaa 8 askari oo ka kala tirsan labada dhinac, waxaana sidoo kale ku dhaawacantay ku dhawaad 20 kale.

Sidoo kale, xarumaha caafimaad ee ku kala yaala magaalada Gaalkacyo gaar ahaan Koonfurta iyo Waqooyiga magaaladaasi ayaa maanta la gaarsiiyay meydadka iyo dhaawacyada ciidanka labada dhinac.

Xaaladda magaalada Gaalkacyo ayaa caawa ah mid degan, inkastoo labada ciidan ee maamulada Galmudug iyo Puntland ay isku hor-fadhiyaan goobihii ay ku dagaalameen, mana jiro horumar muuqda oo midkood uu dagaalkaasi ka gaaray.

Dhinaca kale, korontadii iyo isgaarsiintii ka jirtay magaalada Gaalkacyo ayaa lasoo sheegayaa inay ka maqan yihiin, waxaana dadkii ku noolaa magaaladaasi ay badankooda yihiin kuwa marhore isaga barakacay halkaas, mana jirto wax waan-waan ah oo haatan socota, iyadoona ay suurta-gal tahay in saacad kasta uu dagaalku dib u qarxo.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!