Gudoomiye Tumeey oo ku dhaqaaqay arrin sii hurin karta colaada ka jirta magaalada Gaalkacyo (SAWIRO)

Iyadoo xiisad dagaal ay haatan ka dhex taagan tahay maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa hadane duqa magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland wuxuu sameeyay arrin xiisadaasi dagaal sii hurin karta, kadib markii uu bartiisa facebook soo dhigay sawirro sii kicin kara colaadaas.

Duqa magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland Maxamuud Yaasiin Tumeey ayaa bartiisa facebook soo dhigay isagoo ku sugan goobta uu muranku ka taagan yahay ee Puntland ka dhiseeyso suuq xoolaha lagu iibiyo (Maxjar), kadibna uu faafiyay sawirro.

Wuxuu sidoo kale Maxamuud Yaasiin bartiisa facebook ku sheegay inuu ku faraxsan yahay ka qeyb qaadashada dhismahaasi Maxjarka oo ay xiisadu ka bilaabatay, isagoona dhinaca kale tilmaamay in dhismaha maxjarku uu haatan maraayo meel gabo-gabo ah.

Ugu dambeyntii, arrintaan uu ku dhaqaaqay duqa magaalada Gaalkacyo ee Puntland Maxamuud Yaasiin Tumeey ayaa kusoo beegmaysa xilli maalin kadib markii dagaal aad u culus uu isla goobtaasi ku dhex maray ciidamada maamulada Galmudug iyo Puntland, kaas oo geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

gudoomiye-tumeey-01 gudoomiye-tumeey-02 gudoomiye-tumeey-03

error: Content is protected !!