“Meeshaan waxaan ku fadhin jirnay 8 oday, todobadii kale waa tagtay, anaa ka jooga..” (DHAGEYSO)

Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa markii ugu horeeysay qirtay inuu keligiis ku haray odayaashii mucaaradka ku ahaa shirka Jowhar ee maamulka loogu sameeynayay gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe ee haatan loo bixiyay Hirshabeele.

Ugaaska Xasan Ugaas Khaliif oo maalintii shalay magaalada B/weyne saxaafadda kula hadlay ayaa sheegay in 8 Ugaas oo magaaladaas ku sugneyd ay haatan ku biireen shirka Jowhar, keligiisna uu kusoo baray magaalada, wuxuuna is-weydiiyay cidda ka dambeysay arritan.

“Dadka hadii la socdaalo midba meel ayuu ku haraa, meeshaan waxaan ku fadhin jirnay 8 oday, todobadii kale waa tagtay, anaa ka jooga, intii kale aaway, waa su’aal u baahan inaa is weydiisaan, maxaa dhacay, sidee loo fur- furay, yaa ka shaqeeyay, ma taqaaniin cida ka shaqeysay, hadaad reer Hiiraan tihiin wixii in la fur furo oo saan la yeelo yaa ka mas’uul ah oo ka dambeeyay” Sidaas ayuu Ugaas Xasan Ugaas Khaliif weydiiyay dadweyne uu kula hadlayay magaalada B/weyne

Dadkii ayaa markaasi iyagoo qoslaya ku jawaabay “Xasan Sheekh ayaa ka dambeeyay”, wuxuuna markaasi Ugaas Xasan sheegay inuusan Xasan Sheekh ka dambeynin balse ay ka dambeeyaan dad kale.

“Maya, Xasan Sheekh kama dambeynin balse shaqaala hoose ayaa jira, Xasan Sheekh inta soo duulay ee Hiiraan ma imaan, laakiin waxaa ka dambeeyay dad ku nool Hiiraan oo caanaha reer Hiiraan caba, Hilibka Hiiraan cunno, waxaan leennahay ninka ku jizaaray caanaha iyo hilibka Hiiraan, waxay kuu dhashay waa aragtay” Ayuu Ugaas Xasan hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyntii, Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa sheegay in qofkii raba inuu aado Jowhar islamarkaana raba inuu ku biiro shirka Jowhar ay xur u yihiin balse aysan jirin cid shaatiga ka qabanaysa.

“Ninkii raba inuu Jowhar aado wuu aadi karaa, ee ma jirto cid shaatiga qabanayso, waxa hadda soconaaya ma ahan mid caadi ah balse wixii Ilaahay qoro ayaa soconaya, waxaase dadka looga baahan yahay inay Ilaahay ku kalsoonaadaan, islamarkaana aad muujisaan dadnimadiina iyo kartidiina” Hadaladaas wuxuu ka mid ahaa hadalada Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Si kastaba ha ahaatee, Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa ilaa iyo haatan diidan inuu ka qeyb galo shirka maamulka Hirshabeele ee haatan doorashadiisa ka socoto magaalada Jowhar, isagoona dhinaca kale si toos u mucaaraday magaca loo bixiyay maamulkaas.

error: Content is protected !!