XOG RASMI AH:- Xaqiiqda awoodeed ay madaxtooyada ku yeelanayso maamulka Hirshabeele? (AKHRISO)

Kadib doorashadii shalay ka dhacday magaalada Jowhar islamarkaana lagu dooranaayay guddoonka sare ee baarlamaanka maamulka Hirshabeele ayaa waxaa islamarkiiba soo baxay xaqiiqda awoodeed ay madaxtooyada Soomaaliya ku yeelanayso maamulkaas, kadib markii doorashadaasi uu ku guuleystay Sheekh Cismaan Barre Maxamed.

Maalintii shalay inta aysan doorashada bilaaban kahor waxaa magaalada Jowhar soo buuxiyay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah wasiiradda xukuumadda Soomaaliya, kuwaas oo olole balaaran u galay sidii xilka guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeele uu ugu guuleysan lahaa Sheekh Cismaan Barre Maxamed.

Sheekh Cismaan Barre Maxamed oo hore gudoomiye ka ahaa magaalada B/weyne ayaa la sheegayaa inuu sidoo kale ka tirsan yahay kooxda Damjadiid, wuxuuna cod ahaan ku guuleystay ilaa 61 codad, halka Sheekh Abuukar Xasan Cali Maqaneey oo ahaa musharixii isaga la tartamaayay uu helay 28 cod oo kaliya.

Dhinaca kale, warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in durbadiiba ay shaki badan ka muujinayaan musharixiinta xilka madaxweynaha maamulka Hirshabeele kula tartamaya Siyaasiga Cali C/laahi Cosoble oo lagu soo waramayo inay hoosta ka wadato madaxtooyada Villa Soomaaliya, kadib markii  ay magaalada Jowhar usoo dirtay xildhibaano iyo wasiiro dhaqaale ku bixiya olalahiisa doorasho.

Labada musharax kale ee doorashada kula tartameeysa Siyaasiga Cali C/laahi Cosoble ayaa waxay kala yihiin Maxamed Cabdi Waare iyo Cali Maxamuud Caraale, waxaana ilaa iyo haatan la ogeyn cidda ay labadaasi musharax isku haleynayaan xilligaan, inkastoo Maxamed Cabdi Waare la leeyahay inay gadaal ka taagan yihiin islamarkaana ay wadato urur goboleedka IGAD.

Ugu dambeyntii, sida iska muuqata madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qorshihiisu wuxuu yahay in kuraasta sare ee maamulka Hirshabeele ay kusoo baxaan shaqsiyaad u dhaga-nugul islamarkaana kala shaqeeya siyaasadiisa, si markale xilka madaxtinimada dalka Soomaaliya loogu soo doorto.

DIGNIIN:- Fadlan Dhowr Xuquuqda Qoraalka

error: Content is protected !!