DEG DEG:- Cabdi Axmed Dhuxulow oo noqday shaqsigii seddaxaad ee loo doorto kursiga Aqalka Sare

Wararka haatan naga soo gaaraya magaalada Cadaado ayaa waxay sheegayaan in xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhegdheer) uu noqday qofkii seddaxaad ee loo doorta kursiga Aqalka Sare ay Galmudug ku leedahay baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Cabdi Axmed Dhuxuloow oo beel ahaan kasoo jeeda beesha Murusade islamarkaana ka mid ahaa musharixiinta u loolamayso 8-da kursi ee Aqalka Sare ayaa noqday qofkii seddaxaad ee ku guuleysta kuraasta Aqalka Sare ay Galmudug ku yeelan doonto baarlamaanka cusub kadib markii uu ka guuleystay musharax Luul Maxamed Sheekh Cusmaan oo aheyd musharixadii la tartameysay.

Cabdi Dhuxulow ayaa xilkaasi ku guuleystay kadib markii uu helay codka kalsoonida ee xildhibaanada maamulka Galmudug, waana musharixii seddaxaad oo ilaa iyo haatan kusoo baxay liiska Musharixiinta Galmudug ee uga mid noqonaya Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Musharixiinta ilaa iyo haatan kusoo baxay doorashada Aqalka Sare ayaa haatan waxay kala yihiin sida soo socota:-

1 – Abshir Bukhaari oo u dhashay beesha Saleebaan/Habargidir

2- Jeneral Cabdi Qeybdiid oo u dhashay beesha Sacad/Habargidir

3- Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow (Dheg-dheer) oo isna u dhashay beesha Murudsade

Dhinaca kale, waxaana weli xarunta baarlamaanka Galmudug ee magaalada Cadaddo weli ka socda cod-bixinta musharixiinta Aqalka Sare, si loo dhameystiro 8-da xubnood ee Galmudug uga mid noqon doona Aqalka Sare ee baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, tartanka musharixiinta u loolamayso 8-da kursi ee Aqalka Sare ee Galmudug uga mid noqonaaya baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay kan ugu miisaanka culus marka loo eego maamul gobaleedyada kale ee dalka ka dhisan.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!