DEG DEG:- Ciidankii ugu badnaa ebed oo maanta la geeyay Jowhar iyo xaaladda halkaasi oo weli cakiran

Wararkii ugu dambeeyay ee haatan naga soo gaarayo magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa ah mid weli aad u cakiran, iyadoona saacadihii ugu dambeeyay ay halkaasi gaareen ciidamadii ugu badnaa oo kasoo jeeda beesha Agoon Yar/Abgaal, oo maalintii shalay ciidamo ka tirsan beeshaasi ay la wareegeen hoolka uu ka socday shirka dhismaha maamulka Hirshabeele.

Wariyeyaal ku sugan magaalada Jowhar oo aynu xiriiro kala duwan la sameeynay ayaa inoo sheegay in wali la isku afgaran la’yahay waan-waan ay halkaas ka wadaan odayaal dhaqameed, waxgarad, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Sh/dhexe, iyo saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya oo isku dayaya in siyaasiyiinta gadoodsan ay ku qanciyaan in shirka horay loo sii waddo.

Sidoo kale, mid ka mid ah siyaasiyiinta kasoo horjeeda shirka ee ku sugan Jowhar ayaa warbaahinta Bulshoweyn u sheegay in xildhibaanada lagu qasbayo inay doortaan shaqsiyaad ay wadato madaxtooyada Soomaaliya, waxaana uu intaas ku daray in sababtaas darteed ula wareegeen xarunta uu shirka ka soconaayo.

Dhinaca kale, musharaxa madaxweyne-kuxigeenka ee maamulka Hirshabeele Xasan Cali Taakoow islamarkaana horjooge u ah siyaasiyiinta iyo ciidamada gadoodsan ayaa sheegay in markii hore shirka ka filayeen cadaalad iyo muwaadinku xaq u leeyahay inuu tartamo, balse taas badalkeeda ay ka war-heleen in shaqsiyaad gaar ah hoosta laga waddo islamarkaana dhaqaale faro badan lagu bixinaayo.

Ugu dambeyntii, waxaa weli hakad ku jira dhaq-dhaqaaqii xarunta shirka oo la filaayay in maanta xildhibaanadu ku dhageystaan khubadaha musharixiinta madaxweyne iyo ku-xigeenadiisa ee maamulka Hirshabeele, si maalinta berri ah ay doorashada uga dhacdo halkaas.

Si kastaba ha ahaatee, ilaa iyo haatan lama oga sida uu xaalka ku dambeyn doonno, balse wixii war ee kusoo kordha waxaan idinkugu soo gudbin doonnaa wararkeena dambe hadii uu Alle Idmo

error: Content is protected !!