DEG DEG:- Zamzam Daahir oo noqotay haweeneydii ugu horeeysay ee ku guuleysata Aqalka Sare

Wararka haatan naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in Zamzam Daahir Maxamuud ay noqotay haweeneydii ugu horeeysay oo ku guuleysata kursiga Aqalka Sare ay Galmudug ku leedahay baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Zamzam Daahir Maxamuud ayaa noqotay qofkii Shanaad ee loo doorta kursiga Aqalka Sare, waxayna tartanka kaga guuleysatay haweeney kale oo iyadane musharaxad aheyd oo lagu magacaabo Faadumo Macalin Cumar.

Xildhibaanad Zamzam Daahir Maxamuud oo beel ahaan kasoo jeeda beesha Waceysle/Abgaal, ayaa ka mid aheyd musharixiinta u loolamayso 8-da kursi ee Aqalka Sare, waxayna haatan noqotay qofkii Shanaad ee ku guuleysta kursigaasi, kadib markii ay heshay codka kalsoonida ee xildhibaanada baarlamaanka Galmudug.

Dhinaca kale, waxaa maalinta berri ah lagu wadaa in la dhameystiro doorashadda seddaxda kursi ee ka harsan xildhibaanada Galmudug u matali doono Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!