Maxamed Cabdi Maxamed oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay degmada Buur-hakaba ee gobolka Bay

Wararka naga soo gaaraya degmada Buur-hakaba ee gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in qarax aad u xoogan uu maanta halkaasi ka dhacay, kaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah.

Qaraxaasi ayaa waxaa lala eegtay gudoomiyaha degmada Buur-hakaba Maxamed Cabdi Maxamed, kaas oo dhaawac culus kasoo gaaray qaarka dambe ee jirkiisa.

Dhaawaca gudoomiye Maxamed Cabdi ayaa waxaa loola cararay isbitaal ay ciidanka AMISOM ku leeyihiin magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, waxaana qaraxaasi la sheegay inuu ka dhacay meel u dhaw guriga uu degan yahay gudoomiyaha.

Waxaa qaraxa kadib goobtaasi gaaray ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, waxayna halkaasi ka sameeyeen baaritaano aad u xoogan.

Sidoo kale, ciidamo ilaalo u ahayd gudoomiyaha ayaa qaraxaasi dhaawacyo fudud kasoo gaaray, mana jirto cid ilaa iyo haatan baaritaanadaasi lagu soo qab-qabtay, iyadoona sidoo kale aanay jirin cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!