Weerar lagu qaadi lahaa dhismo weyn ee ku yaala Kansas oo la fashiliyay (SAWIRO)

Saraakiisha FBI-da Mareykanka ayaa sheegay inay haatan gacanta ku hayaan seddax nin oo Mareykan ah, kuwaas oo qorsheynayay inay qarax u geystaan dhismo weyn oo ku dhex yaalo masjid lagu cibaadeysto oo ay degan yihiin dad muslimiin ah oo ka badan 100 qof.

Dadka degan dhismahaasi ayaa la sheegay inay u badan yihiin dad Soomaali ah, kaas oo ku yaala magaalada Garden City ee gobolka Kansas ee dalka Mareykanka.

Tom Beall oo ah ku-simaha xeer ilaaliyaha Mareykanka iyo sarkaal ka tirsan waaxda gaarka ah ee FBI-da, Eric Jackson oo maalintii shalay shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in haatan gacanta lagu haayo seddax nin oo fulin laheyd qarax la doonayay in dhismahaasi lagu weeraro, waxaana seddaxdaasi nin lagu kala magacaabaa

1- Curtis Allen oo 49-jir ah

2- Gavin Wright oo 49-jir ah

3- Patrick Eugene Stein oo 47 jir ah

Seddaxdaasi eedeysane ayaa la sheegay inay dhamaantood kasoo jeedaan koonfur galbeed ee gobalka Kansas, waxaana xilligii la qabanaayay lagu qabtay hub iyo qaraxyo ay u adeegsan lahaayeen weerarka ay qorsheeynayeen inay ku qaadaan dhismahaas.

Raggaasi ayaa la sheegay inay weerarka qorsheynayeen inay fuliyaan bisha soo socoto ee November 9-keeda, oo ku beegan maalinta ku xigta maalinta ay dhacayso doorashadda madaxtinimadda dalkaasi Mareykanka.

Sidoo kale, raggaasi ayaa la sheegay inay weerarka u adeegsan lahaayeen gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, iyagoona qorsheeyayay inay afarta gees ee dhismahaas ka dhigaan qaraxyadda.

masjid-ku-yaala-dhisme-la-weerari-rabay

Ciidanka FBI-da ayaa sheegay inay sidoo kale heleen keyd balaaran oo isugu jira qoryo fudud iyo rasaas oo ay eedeysanayaasha ku fulin lahaayeen weerarka, iyo qoraal ay eedeysanayaasha diyaariyeen, si ay u daabacaan kadib markii ay qaraxa fuliyaan.

FBI-da Mareykanka ayaa seddaxdaan eedeysane daba joogtay tan iyo bishii Febaayo ee sanadkaan, waxaana la sheegay inay seddaxdaasi nin xukunkooda noqon karo mid xabsi daa’in ah.

dhismaha-la-weerari-lahaa

Si kastaba ha ahaatee, Soomaalida ee ku nool magaalada Garden City ee gobolka Kansan ayaa markii ay maqleen arrintaan si weyn uga arga-gaxay, waxayna Soomaalida halkaasi ku nool bilaabeen inay muujiyaan feejignaan dheeri ah.

error: Content is protected !!