Axmed Karaash oo ka jawaabay hadalkii kasoo yeeray madaxweynaha Galmudug (DHAGEYSO)

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Puntland Axmed Karaash oo maalintii shalay kormeer ku tagay goobta laga dhisayo suuqa xoolaha ee Maxjarka Gaalkacyo iyo goobihii dagaalka uu ka dhacay ayaa jawaab culus ka bixiyay hadalkii dhawaan kasoo yeeray madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed kaas oo ahaa in magaalada Gaalkacyo aanay labo maamul ka wada talin karin.

Axmed Karaash oo booqday goobta uu ka socdo dhismaha suuqa xoolaha ee maxjarka ayaa marka hore warbixin ka dhageystay maamulka gobalka Mudug iyo kan magaalada Gaalkacyo ee Puntland, waxaana uu sheegay in howsha ay sii socon doonto isla markaana laga hortagi doono wax walba oo amniga khal-khal ku keenaya.

“Waxaa la sheegayaa in ciidamo laga soo diray federaalka, si ay ula dagaalamaan ama bulshada Puntland ee Gaalkacyo, kuwaas waxaa leeyahay kaalaya diyaar baan idiin nahay, marnaba nama cabsi gelin kartaan, waxaa idin dhihi lahaa waa la idin soo lug-gooyay” Sidaas waxaa yiri Axmed Karaash oo saxaafadda kula hadlay meesha laga dhisaayo suuqa xoolaha ee maxjarka Gaalkacyo.

Dhinaca kale, wasiirka ayaa jawaab culus ka bixiyay hadalkii dhawaan kasoo yeeray madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, kaas oo ahaa in magaalada Gaalkacyo aysan labo maamul ka wada talin karin, wuxuuna sheegay inuu hadalkaasi ku raacsan yahay.

Wuxuu sheegay mid Puntland laga rabay balse ay horey uga gaabsatay, isagoona sidoo kale tilmaamay in Puntland ay go’aankaasi la qaadatay Galmudug isl markaana magaalada Gaalkacyo aysan wada yeelan doonin labo maamul oo hal maamul kusoo hari doono.

“Wuxuu C/kariin yiri laba maamul Gaalkacyo ma yeelaneyso, taas waa runtiis, ilaahay baa ka keenay hadalkaas, balse inaa annagu niraahno bey ahayd hadalkaasi, oo aa ugu horeeyno balse waxaa dhowreynay darisnimada iyo walaalnimada, taas iyadda ah hadii ay ku adkeystaan jawaabteeda ayay helayaan” Ayuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Puntland Axmed Karaash.

Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan kasoo yeeray wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Puntland Axmed Karaash ayaa imaanaya xilli dhawaan madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed uu shaaciyay in magaalada Gaalkacyo aysan ka wada talin doonin laba maamul balse uu hal maamul kusoo hari doonno.

error: Content is protected !!