C/waaxid Cilmi Goonjeex oo noqday shaqsigii todobaad ee loo doorto kursiga Aqalka Sare

Wararka haatan naga soo gaaraya magaalada Cadaado ayaa waxay sheegayaan in C/waaxid Cilmi Goonjeex uu noqday qofkii 7-aad ee loo doorta kursiga Aqalka Sare ay Galmudug ku leedahay baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

C/waaxid Cilmi Goonjeex oo horey usoo noqday ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya ayaa beel ahaan kasoo jeeda beesha Mareexaan, wuxuuna tartanka doorashada kaga guuleystay laba musharax oo kala ahaa haweeney iyo nin lagu kala magacaabo Aamina Cali Maxamed iyo Maxamed Samatar Duraan.

Waa musharixii Todobaad oo ilaa iyo haatan kusoo baxay liiska musharixiinta Galmudug ee uga mid noqonaya Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Musharixiinta ilaa iyo haatan kusoo baxay doorashada Aqalka Sare ayaa haatan waxay kala yihiin sida soo socota:-

1 – Abshir Bukhaari oo u dhashay beesha Saleebaan/Habargidir

2- Jeneral Cabdi Qeybdiid oo u dhashay beesha Sacad/Habargidir

3- Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow (Dheg-dheer) oo isna u dhashay beesha Murudsade

4- Xildhibaan Yuusuf Geele Ugaas (Dhagey) oo u dhashay beesha Duduble

5- Zamzam Daahir Maxamuud oo u dhalatay beesha Waceysle/Abgaal

6- Jawaahir Axmed Cilmi oo u dhalatay beesha Ceyr/Habargidir

7- C/waaxid Cilmi Goonjeex oo u dhashay beesha Mareexaan

Dhinaca kale, waxaa haatan socota cod-bixinta musharixii ugu dambeeyay ee Galmudug oo beesha Dir u matali doonna Aqalka Sare ee baarlamaanka, waxaana saacadaha soo socdo la filayaa in lagu dhawaaqo.

Si kastaba ha ahaatee, tartanka musharixiinta u loolamayso 8-da kursi ee Aqalka Sare ee Galmudug uga mid noqonaaya baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay kan ugu miisaanka culus marka loo eego maamul gobaleedyada kale ee ka dhisan dalka.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!