Jawaahir Axmed Cilmi oo noqotay haweeneydii labaad ee ku guuleysata kursiga Aqalka Sare

Wararka haatan naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in Jawaahir Axmed Cilmi ay noqotay haweeneydii labaad ee ku guuleysata kursiga Aqalka Sare ay Galmudug ku leedahay baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Jawaaahir Axmed Cilmi ayaa noqotay qofkii lixaad ee loo doorta kursiga Aqalka Sare, waxayna tartanka kaga guuleysatay xildhibaan C/samad Macalin Maxamuud oo horay u ahaan jiray wasiirkii Arrimaha Gudaha

Xildhibaanad Jawaahir Axmed Cilmi oo beel ahaan kasoo jeeda beesha Ceyr/Habargidir, ayaa ka mid aheyd musharixiinta u loolamayso 8-da kursi ee Aqalka Sare, waxayna haatan noqotay qofkii lixaad ee ku guuleysata kursigaasi, kadib markii ay heshay codka kalsoonida ee xildhibaanada baarlamaanka Galmudug.

Dhinaca kale, waxaa haatan weli soconaaaya dhameystirka doorashadda labada kuraas kale ee ka harsan xildhibaanada Galmudug u matali doono Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!