Puntland oo shaacisay liiska cusub ee musharaxiinta u tartameeysa Aqalka Sare (SAWIRO+DHAGEYSO)

Maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday liiska musharaxiinta Puntland ee u tartameeysa Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, kadib markii liiskii hore isbedel lagu sameeyay.

Xubnaha ku jira liiska musharixiinta ee Puntland u matali doonna Aqalka Sare ee baarlamaanka ayaa waxaa ka mid ah mas’uuliyiin caan ah oo haatan xilalka ka haaya dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa hore xilal uga soo qabtay dalka iyo maamul goboleedyadda,

Sidoo kale waxaa liiska ka muuqda in haweenka kuraas gaar ah loo qoondeeyay, taas oo ka dhiganta inay si gaar ah ay haweenka ku tartami doonaan.

Xoghayaha guud ee baarlamaanka Puntland Cali Axmed Dhahar ayaa xildhbaanada maamulkaasi ka hor aqriyay xubnaha Puntland u matali doonna Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya iyo sida ay kuraasta ugu kala tartamayaan maalinta khamiista ah ee soo socota.

Xubnahaan ayaa qeyb waliba waxay ka dhigan tahay inay wada tartami doonaan, waxayna u tartami doonaan sida hoos ku xusan:-

1- Saynab Xaashi Biixi, Shukri Aadan Maxamed, Xaawo Caynab Cabdi, waxay ku tar-tamayaan hal kursi

2- Hodan Maxamuud Cismaan, Basro Cumar Geele, waxay ku tar-tamayaan hal kursi

3- Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, Aamino Aadan C/laahi, waxay ku tar-tamayaan hal kursi

4- C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, Cabdimahad Abshir Cismaan, waxay ku tar-tamayaan hal kursi

5-  Siciido Xasan Cismaan, Axmed Cabdale Tigaana, Siciid Maxamuud Aadan, Maxamed Maxamuud Cali Bile, waxay ku tar-tamayaan hal kursi

6- C/risaaq Cismaan Xasan Juurile, Hodan Ismaaciil Cilmi, waxay ku tar-tamayaan hal kursi

7-  Maxamuud Axmed Maxamuud, Faadumo Siciid Maxamed, waxay ku tar-tamayaan hal kursi

8-  Maxamed Siciid Xirsi Moorgan, Maxamuud Cali Siciid, Bootaan Bare Samatar, waxay ku tar-tamayaan hal kursi

9- C/xakiin Axmed Xaashi, Mahad Daahir Shiikh Nuur, C/qaadir Faarax Shaaciye, waxay ku tar-tamayaan hal kursi

10- Cali Ismaaciil Cabdigiir, Shukri C/laahi Maxamuud, Farxaan Cali Xuseen, waxay ku tar-tamayaan hal kursi

11- C/salaan Xaaji Maxamuud Dheere, Siciid Maxamed Cali, Faarax Cawad Jaamac, waxay ku tar-tamayaan hal kursi

baarlamaanka-puntland baarlamaanka-puntland-01 baarlamaanka-puntland-03 baarlamaanka-puntland-04 baarlamaanka-puntland-05

error: Content is protected !!