DEG DEG:- Cali C/laahi Cosoble oo ku guuleystay doorashada madaxweynaha maamulka Hirshabeele

Waxaa goordhaw soo gaba-gaboowday tirinta codka doorashada madaxweynaha maamulka Hirshabeele, iyadoona maanta ay codeeyeen 98 xildhibaan.

Xilkaan ayaa waxaa ku tartamaayay seddax musharax oo kala ah Maxamed Cabdi Waare, Cali C/laahi Cosoble  iyo Cali Maxamed Caraale.

Musharaxa Cali Maxamed Caraale ayaa tanaasul sameeyay kahor inta aysan bilaaban codeynta, waxaana markaasi isku soo haray labada musharax kale ee kala ah:-

1- Cali C/laahi Cosoble

2- Maxamed Cabdi Waare

Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Hirshabeele iyo guddiga doorashada ayaa markii dambe si rasmi ah u shaaciyay in Musharax Cali C/laahi Cosoble uu ku guuleystay doorashada kadib markii uu helay codadka 61 cod, halka Musharaxa kale Maxamed Cabdi Waare uu isna helay 36 cod.

Dhinaca kale, waxaa xumaaday 1 cod oo ka mid ah codadkii ay dhiibteen xildhibaanada maamulka Hirshabeele, waxaana codkaasi uu noqday mid la calaamadeeyay labada qeyb oo ay ku qoran yihiin labada musharax.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allah

error: Content is protected !!