DEG DEG:- Cali Guudlaawe oo ku guuleystay doorashada xilka madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeele

Waxaa goordhaw soo gaba-gaboowday tirinta codka doorashada madaxweyne ku-xigeenka maamulka Hirshabeele, iyadoona xilkaasi loo doortay Cali C/laahi Xuseen (Guudlaawe).

Madaxweyne ku-xigeenka cusub ee loo doortay maamulka Hirshabeele Cali C/laahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa hore u ahaa gudoomiyihii gobolka Sh/dhexe, wuxuuna helay codadka 86 cod, halka Musharaxa kale ee Cali Xasan Taakoow uu isna helay 10 cod oo kaliya.

Sidoo kale waxaa xumaaday 1 cod oo la calaamadeeyay labada qeyb, waxaana goordhaw la filayaa in gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Hirshabeele uu ku dhawaaqo natiijada.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allah

error: Content is protected !!