DEG DEG:- Mid ka mid ah musharixiinta u tartameeysa madaxweynaha Hirshabeele oo tanaasulay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya inay goordhaw halkaasi si toos ah uga bilaabatay codeynta doorashadda madaxweynaha maamulka Hirshabeele, iyadoona doorashadaasi uu tanaasul sameeyay mushaxax Cali Maxamed Caraale oo ka mid ahaa musharixiinta u tartameeysay xilka madaxweynaha maamulkaas.

Doorashada madaxweynaha maamulka Hirshabeele oo haatan si habsami leh uga madasha shirka dhismaha maamulka ayaa waxaa isugu soo haray musharixiinta kala ah Cali C/laahi Cosoble iyo Maxamed Cabdi Waare.

Musharax Cali C/laahi Cosoble ayaa doorashadaan loo badinayaa inuu ku guuleysan doonno, kaas oo haatan gacan-saar dhaw la leh madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud islamarkaana ay madaxtooyadda Soomaaliya ku bixinayso kharash aad u badan, si uu ugu guuleysto doorashada.

Saacadaha soo socdo ayaa la filayaa inay natiijada codka doorashada soo baxdo, waxaana haatan si toos ah u socota codeynta ay wadaan xildhibaanada maamulka Hirshabeele ay u codeynayaan musharixiinta kala ah, Cali C/laahi Cosoble iyo Maxamed Cabdi Waare.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!