Feysal Cali Waraabe “Gaalkacyo Qudus ma aha ee waa la-wada leeyahay..” (DHAGEYSO)

Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee maamulka Somaliland Injineer Feysal Cali Waraabe ayaa baaq culus u diray maamulada Puntland iyo Galmudug, isagoona ugu baaqay inay joojiyaan dagaalada islamarkaana ay nabada ka shaqeeyaan.

Injineer Feysal Cali Waraabe oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in magaalada Gaalkacyo ay ka mid tahay gobolka Mudug, loona baahan yahay in labada dhinac ay ku heshiiyaan.

Wuxuu sidoo kale sheegay inaysan macquul ahayn in xuduud loo kala sameeyo magaalada Galkaacyo, isagoona dhinaca kale wax laga xumaado ku tilmaamay in dad walaalo ah oo wada-degan ay xilli kasto isku qabsadaan waxyaabo yar yar oo lagu xalin karo miiska wada-hadalka

“Gaalkacyo Qudus ma aha ee waa la-wada leeyahay, waana lagu wada dhaqnaa, wax macquul ah ma aha in xad loo sameeyo Gaalkacyo, balse waxaan oran lahaa nabadda ka shaqeeya, waxaa tihiin inan (wiil) iyo abtigiis” Sidaasi waxaa yiri Injineer Feysal Cali Waraabe.

Dhinaca kale, waxa uu Feysal Cali Waraabe sheegay in waxyaabaha ka socda Soomaaliya aanay wax shaqo ah ku laheyn xiriirka Somaliland, isagoona tilmaamay labada dhinac inay muddo hore kala tashteen ayna yihiin dalal kala gooni ah, waa sida uu hadalka u dhigayee.

“Somaliland wax shaqo ah kuma laha arrimaha ka soconaaya Soomaaliya, 1991 ayay Somaliland tashatay waxaynu nahay dal deris ah” Ayuu hadalkiisa raaciyay Injineer Feysal Cali Waraabe.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka kasoo yeeray Injineer Feysal Cali Waraabe ayaa kusoo beegmaya xilli ay magaalada Gaalkacyo ka jirto xiisado dagaal oo u dhaxeeya maamulada Puntland iyo Galmudug, iyadoona ilaa iyo haatan aan lagu guuleysan in heshiis nabadeed laga gaaro xiisadaas.

error: Content is protected !!