Haweeney ka shaqeynaysay garoonka Aadan Cadde oo saakay lagu dilay magaalada Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa saakay xaafadda Salaam ee degmada Dharkenley gaar ahaan nawaaxiga Daba-kaayo Madoow ku dilay mid ka mid ah haweenka ka shaqeeya nadaafadda garoonka dayaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Haweeneydan oo magaceeda lagu soo koobay Faa’isa ayaa la dilay xilli ay kasoo baxday gurigeeda islamarkaana kusii jeeday goobteeda shaqada, waxaana sida la sheegay dilkeeda ka dambeeyay kooxo ku hubeysan bistoolado.

Kooxaha dilka u geystay haweeneydaasi ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana goobtaasi markii dambe soo gaaray ciidamo ka tirsan nabad-sugidda qaranka oo halkaasi baaritaano ka bilaabay.

Dhinaca kale, ma jirto cid ilaa iyo haatan baaritaankaasi lagu soo qabtay ama sheegatay mas’uuliyadda dilka haweeneydaas.

Dilka haweeneydaan ayaa qeyb ka ah dilalka joogtada ah ee ka dhaca magaalada Muqdisho, waxaana dilalkaasi inta badan sheegta inay ka dambeeyaan Xarakada Al-shabaab.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!