Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa waxay sheegayaan in xildhibaanada baarlamaanka cusub ee maamulka Hirshabeele ay maanta dooran doonaan madaxweynaha cusub ee maamulkaasi iyo sidoo kale ku-xigeenkiisa.
Musharaxiinta u tartamaya xilka madaxweynaha maamulka Hirshabeele oo maalintii shalay khudbado kahor jeediiyay xildhibaanada baarlamaanka maamulkaas ayaa waxay soo bandhigeen qorshahooda siyaasadeed iyo waxyaabaha ay qaban doonaan hadii xilka loo doorto.
Musharixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha ayaa kala ah sida soo socota:-
1- Siyaasiga Cali C/laahi Cosoble
2- Maxamed Cabdi Waare
3- Cali Maxamed Caraale
Sidoo kale waxaa xilka madaxweyne ku-xigeenka maamulka Hirshabeele u tartamaya labo musharax oo iyagane kala ah:-
1- Cali C/laahi Guudlaawe
2- Cali Xasan Taakow.
Dhinaca kale, warar hoose aynu ka heleyno qaar ka mid ah howl-wadeenada doorashadda maamulka Hirshabeele ayaa sheegaya in codeynta doorashada ay si rasmi ah u bilaaban doonto salaada duhur kadib, taas oo ku beegan 1.00 duhurnimo.
Kahor codeynta doorashadda ayaa waxaa kulan yeelan doonna xildhibaanada baarlamaanka maamulka Hirshabeele, waxayna ka wada hadli doonaan sida ay u dhici lahayd doorashadaas.
Dhinaca kale, ammaanka goobta ay doorashadda ka dhaceeyso ayaa ah mid aad loo adkeeyay waxaana goobtaasi ku sugan ciidamo nabad-sugid ah iyo kuwa ka tirsan AMISOM.
Ugu dambeyntii, maamulka Hirshabeele ee gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa noqonaya maamulkii ugu dambeeyay oo ay dowladda federaalka Soomaaliya hirgeliso islamarkaana qeyb ka ah nidaamka federaalka, waxaana la filayaa in dhisidda maamulkaasi maanta lasoo gaba-gabeeyo.
Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah