Faah faahin:- Dagaal ka dhacay degmada Afgooye iyo Al-shabaab oo guud ahaan la wareegtay degmadaas

Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi weli laga maqlaayo rasaas culus, iyadoona gebi ahaan degmadaasi ay la wareegeen dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Dagaalka ayaa sida la sheegay bilawday kadib markii dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-shabaab ay dhowr jiho weerar kaga soo qaadeen degmada Afgooye, waxaana haatan lasoo sheegayaa in ciidankii maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa AMISOM ay gebi ahaan isaga baxeen deegmadaasi.

Dagaalyahanada Al-shabaab oo la sheegayo inay haatan ku sugan degmada Afgooye ayaa la wareegay dhowr xarumood, waxaana goobaha ay la wareegeen ka mid ah

1- Xarunta degmada Afgooye

2- Saldhiga booliska

3- Madaxtooyadda maamulka Koonfur Galbeed ee degmada Afgooye

4- Xarunta agoonta ee ku taala degmadaas iyo goobo kale.

Mid ka mid ah dadka halkaasi ku sugan oo diiday inaynu magaciisa warbaahinta u isticmaalno ayaa inoo xaqiijiyay in maanta degmadaasi ay qasan tahay islamarkaana xaafadaha ku yaala degmadaasi ay haatan ku sugan yihiin dagaalyahanadda Al-shabaab.

Dagaalka oo haatan u muuqda mid ka yara qaboobay sidii hore ayaa ilaa iyo haatan la ogeyn qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay, waxaana cabsi aad u xoogan ay soo wajahday dadka deegaanka.

Dhinaca kale, ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa haatan ku wajahan degmada Afgooye, iyadoona la sheegayo in ciidanka Al-shabaab ay dhufeyso ka galeen wadooyinka laga soo galo degmadaas.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco wararkeena dambe Insha Allaah

error: Content is protected !!