Kooxo hubeysan oo xalay weerar culus ku qaaday guriga gudoomiyaha degmada Mandheera

Waxaa faah-faahin dheeraad ah kasoo baxaysaa weerar ay kooxo hubeysan xalay ku qaadeen guri uu degan yahay Cali Rooba oo ah gudoomiyaha degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Weerarkaasi oo ahaa mid aad u culus ayaa waxaa goobtaasi rasaas culus isweydaarsaday kooxihii weerarka soo qaaday iyo ciidan ilaalo ka haysey guriga gudoomiyaha degmada Mandheera.

Rasaasta oo ay isweydaarsanayeen kooxaha weerarka soo qaaday iyo ilaada guriga gudoomiyaha ayaa waxaa laga maqlay qeybo ka mid ah degmada Mandheera, iyadoona la sheegay in weerarkaasi uu ka dhashay qasaare nafeed.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaasi ku geeriyooday nin la sheegay inuu ilaalo ka ahaa dugsi hoose oo ku yaala agagaarka guriga gudoomiyaha degmada Mandheera.

Ninkaasi geeriyooday oo ilaa iyo haatan aan magaciisa la xaqiijin ayaa la sheegay inay xabado wiifto ah ugu tagtay goobtii uu sugnaa islamarkaana uu sidaasi ku geeriyooday, waxaana goobtaasi isaga baxsaday kooxihii weerarka kusoo qaaday halkaas.

Dhinaca kale, saraakiisha ciidanka booliska ee dalka Kenya ayaa weerarkaasi ku eedeeyay inay ka dambeeyeen Xarakada Al-shabaab, islamarkaana ay doonaayeen inay dilaan gudoomiyaha degmada Mandheera Cali Rooba.

Ma jirto faah-faahin intaasi dheer oo laga helaayo weerarkaasi, inkastoo weerarkaan uusan ahayn weerarkii ugu horeeyay oo ay Xarakada Al-shabaab ku qaadaan deegaano ku yaala dalka Kenya gaar ahaan deegaanada gobolada Waqooyi Bari Kenya.

error: Content is protected !!