Magacyada saraakiishii ku dhimatay dagaalkii maanta ka dhacay Afgooye iyo sida ay haatan xaaladdu tahay

Waxaa faah faahino dheeraad kasoo baxaysaa dagaal caawa fiidkii ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose, iyadoona la sheegayo in dagaalkaasi uu ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalkaas oo caawa dib uga bilawday degmada Afgooye ayaa sida la sheegay u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo garab ka helaaya kuwa AMISOM iyo dagaalyahanadda Al-shabaab.

Muddo saacado ah ayaa waxaa degmada Afgooye gacanta ku haayay dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo maanta halkaasi dagaal kula wareegay.

Ciidamada huwanta ah ayaa dagaal rogaal celis kusoo qaaday degmada Afgooye, iyagoona ugu dambeyn halkaasi ka saaray dagaalyahanadii Al-shabaab ee maanta degmadaasi la wareegay.

Dagaalkaasi ayaa geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac, waxaana saraakiisha dhinaca dowladda kaga dhimatay ka mid ah:-

1- Gaashaanle Axmed C/qaadir (Gorod)

2- Cabdi Xasan Cabdulle (Boqol).

3-  Cali Cabdi Yuusuf

Sidoo kale waxaa dagaalkaasi ku geeriyooday Maxamed Daahir Qooley oo ahaa isu-duwihii wasaaradda maaliyada gobolka Sh/hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qasaaraha guud ee dhimashada uu dagaalkaasi geystay ayaa la sheegayaa inay gaareyso ilaa 13 qof oo ka kala tirsan labada dhinac.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in ilaa afar ka tirsan dagaalyahanadda Al-shabaab meydkooda ay weli yaalaan bartamaha degmada Afgooye, kuwaas oo ku dhintay dagaalka halkaasi ka dhacay.

Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM ayaa gelinkii dambe dib ula wareegay guud ahaan degmada Afgooye, kadib markii ay Al-shabaab dib uga baxeen.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii u horeeysay oo ay Al-shabaab muddo saacado ah la wareegaan degmada Afgooye, tan iyo markii halkaasi laga saaray muddo afar sano kahor.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!