Roobab qasaare lixaad leh geystay oo ka da’ay degmada Matabaan iyo deegaano kale

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in roobab dabeylo wata oo aad u xoogan inay saacadihii ugu dambeeysay ka da’ayeen degmada Matabaan iyo deegaano kale oo hoos-yimaada degmadaas.

Guryo badan oo ku yaala degmadaasi ayaa la sheegayaa inay roobabkaasi bur-bur aad u xoogan u geysteen, iyadoona sidoo kale xoolo badan ay ku dhamaadeen.

Maamulka Ahlu-sunna waljameeca oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in roobabkaasi oo saacadihii ugu dambeysay ka da’ayay degmada Matabaan iyo tuulooyinka kale ee hoos-yimaada uu geystay qasaare lixaad leh.

Waxay sheegeen in qasaaraha uu haatan geystay roobabkaasi ay gaarayaan bur-burka in ka badan 20 guri oo ku yaala degmadaas iyo sidoo kale xoolo aad u badan ay ku dhinteen.

Ma jirto wax gurmad ah oo weli gaaray degmada Matabaan, waxaana weli degmadaasi ka socda roobabkaasi oo dabeylaha wata.

Wixii kusoo kordha warkaan dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!