XOG:- Mas’uuliyiin caan ah oo ka mid noqon doonna musharixiinta Hirshabeele ku tartameeysa Aqalka Sare

Waxaa isbuuca soo socda la filayaa in xildhibaanada maamulka Hirshabeele ay qabtaan doorashada lagu soo dooranayo 8-da xubnood ee maamulkaasi u matali doonna Aqalka Sare ee baarlamaanka cusub Soomaaliya.

Ilo xog-ogaal ah aynu heleyno ayaa sheegaya in qaar ka mid ah musharixiinta ku tartami doonta kuraasta Hirshabeele ee Aqalka sare ay ka mid noqon doonaan,¬†madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed, ra’iisul wasaarihii hore ee dowladii KMG ahayd Soomaaliya Cali Maxamed Geedi iyo Muuse Suudi Yalaxoow oo isna hore xildhibaan uga ahaa¬†baarlamaanka KMG ee Soomaaliya.

Seddaxdaasi mas’uul ayaa la sheegayaa inay haatan ugu cad-cad yihiin xubnahaasi.

Dhinaca kale, madaxweynaha maamulka Hirshabeele Cali C/laahi Cosoble ayaa marka hore soo diyaarin doonna liiska ay ku qoran yihiin dhamaan musharxiinta tartameeysa, waxaana markaasi kadib loo gudbin doonnaa xildhibaanada baarlamaanka maamulkaasi, si ay uga doortaan 8-da xubnood ee ka mid noqonaya Aqalka Sare.

Sidoo kale, waxaan meesha ka marneen qoondada ay haweenka ku leeyihiin kuraasta Aqalka Sare, taas oo noqon doonta in 2 dumar ay kasoo galaan 8-da xubnood uu maamulka Hirshabeele ku yeelanaayo Aqalka Sare ee baalamaanka cusub Soomaaliya.

DIGNIIN:- Fadlan Dhowr Xuquuqda Qoraalka

error: Content is protected !!