Yuusuf Dabageed oo caddeeyay mowqifkiisa ku aadan dhismaha maamulka Hirshabeele (DHAGEYSO)

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo warbaahinta la hadlay ayaa markii ugu horeysay ka hadlay aragtidiisa ku aadan dhismaha maamulka Hirshabeele iyo doorashada ka dhacday magalaada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

Yuusuf  Dabageed ayaa sheegay inuu soo dhaweeynayo maamulka cusub ee loo dhisay gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe ee Hirshabeele, isagoona dhinaca kale hambalyo u diray madaxda ku guuleysatay doorashadaas.

“Jowhar wax fiican ayaa ka dhacay doorasho cadaalad leh ayaa ka dhacday, dhismaha maamulkaas waqti dheer ayuu soo jiitamaayay, meesha kuma jirin Hiiraan iyo Sh/dhexe la isku dari maayo, Ilaahey ayaa waqtigaan ka dhigay waqtigeeda, si sharaf badan ayay u dhacday, sidii guddoonka baarlamaanka iyo ku-xigeenkiisa loo doortay waad ogeydeen iyo sidii xildhibaanada loo doortayna waad ogeydeen, madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa sida loo doortayna waad ogeydeen, arrintaasina waa guul usoo hooyatay reer Hiiraan iyo Sh/dhexe, waxa dhimana waxaana leennahay Allaha dhameystiro, cidii ka dhib qabta dhisida maamulkaasi dowladda jirta ayaa la xaajoon doonta” Sidaas waxaa yiri gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed.

Yuusuf Dabageed oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii reer Hiiraan ee sida weyn uga soo horjeeday dhismaha maamulkaasi Hirshabeele ayaa taageeradiisa timid kadib markii uu dhawaan xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho kulan qarsoodi ah kula yeeshay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u balan-qaaday Yuusuf Dabageed inuu xilka gudoomiyenimada gobolka Hiiraan uu heyn doonno, kadib markii maamulka Hirshabeele la dhiso.

Si kastaba ha ahaate, hadalka kasoo yeeray gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed ayaa kusoo beegmaya xilli Odayaasha dhaqanka ee uu hogaaminayo Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ee kasoo horjeeda shirka lagu dhisay Hirshabeele ay wadaan qorshe maamul u gooni ah gobolka Hiiraan lagu dhisaayo magaalada B/weyne.

error: Content is protected !!