DEG DEG:- Xubnaha Koonfur Galbeed ee Aqalka Sare oo goordhaw la doortay (AKHRISO)

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in goordhaw lasoo gaba-gabeeyay doorashada xubnaha maamulka Koonfur Galbeed u matalaya Aqalka Sare ee baarlamaanka cusub Soomaaliya.

Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa doortay 8-da xubnood ee maamulkaasi u matali doonna Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaana xubnahaan la doortay ku jira labo dumar, iyadoona inta kale ay yihiin rag.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa noqonaya maamulkii seddaxaad ee soo doorta xubnaha u matalaya Aqalka Sare ee baarlamaanka cusub, iyadoona labadii maamul ee ka horeeysay maamulkaan ay ahaayeen maamulada Galmudug iyo Jubbaland.

Hoos ka aqriso xubnaha Koonfur Galbeed u matalaya Aqalka Sare ee baarlamaanka.

– Zamzam Ibraahim Cali

– Timiro Maxamed Cali

– Xuseen Sheekh Maxamuud

– Aadan Cabdi Aadan

– Ilyees Cali Xasan

– C/kaafi Macalin Xasan

– Xuseen Cali Xaaji Cabdala

– C/laahi Cabdi Jabriil

error: Content is protected !!