Dowladda Itoobiya oo heshiis dhowr qodob ka kooban dhex dhigtay Galmudug iyo Puntland (AKHRISO)

Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in dowladda Itoobiya ay heshiis nabadeed oo hordhac ah kala dhex dhigtay maamulada Galmudug iyo Puntland oo mudooyinkii ugu dambeeysay xiisad dagaal ah u dhaxeeysay.

Heshiiskaasi oo dhowr qodob ka kooban ayaa lagu qoray bogga rasmiga ah oo ay leedahay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa labada dhinac ku amartay inay fuliyaan qodobada ku qoran heshiiska, waxaana qodobada heshiiskaas ka mid ahaa:-

1- In labada dhinac ay dhaqan geliyaan xabad joojin iyo inay ka fogaadaan talaabo kasta oo isku dhac keeni karta.

2- In la hakiyo dhismaha suuqa xoolaha ee Puntand ka waday magaalada Gaalkacyo.

3- In garoonka diyaaradaha Galmudug ee Gaalkacyo loo ogolaado in dib loo howlgeliyo.

4- In la dhiso guddi wasiiro isku dhaf ah oo shir ku yeesha magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb qaadanayaan madaxda madasha qaran.

Ilaa iyo haatan ma jirto wax hadal rasmi ah oo kasoo kala baxay maamulada Galmudug iyo Puntland oo ay kaga jawaabayaan heshiiskaan ay sheegtay dowladda Itoobiya inay labadaasi dhinac kala dhex dhigtay, iyadoona Puntland ay hore u sheegtay inaysan jirin wax wada-hadal oo dhexmaray Galmudug.

Dowladda Itoobiya ayaa sanadkii 2015-ka bisha december heshiis nabadeed kala dhex-dhigtay maamulada Puntland iyo Galmudug, kaas oo ay goobjoog ka ahaayeen madax ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo wakiilo ka socda beesha caalamka, iyadoona aanay muuqan in labada dhinac ay heshiiskaasi dhaqan geliyeen.

error: Content is protected !!