Khudbadaha musharixiinta xubnaha Puntland u matalaya Aqalka Sare oo haatan socota (SAWIRO)

Dhageysiga khudbadaha xubnaha Puntland u matalaya Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa haatan ka socota xarunta baarlamaanka maamulka Puntland ee magaalada Garoowe.

Musharixiinta oo tiro ahaan gaaraya ilaa 29 musharax islamarkaana ay ku jiraan ilaa 9 dumar, ayaa waxaa la sheegayaa inay sidoo kale ka dhex muuqdaan madaxweynihii hore ee maamulka Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud (C/raxmaan Faroole) iyo Jeneraal Maxamed Saciid Xirsi (Morgan).

Baarlamaanka Puntland ayaa musharaxiintaasi ka dhex dooran doonna ilaa 11 xubnood oo maamulka Puntland u matali doonna Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaaarke oo isagana ka mid ah xubnaha u tartamaya Aqalka Sare ee baarlamaanka ayaa goobtaasi ka maqan, waxaana la ogeyn xilliga uu khudbadiisa musharaxnimo soo jeedin doonno.

Dhinaca kale, labada musharax ee haatan la dhihi karo waa ugu cad-cad yihiin inay si fudud ugu soo bixi doonaan kuraasta ayaa waxaa ka mid ah C/raxmaan Faroole iyo Jeneraal Moorgan.

Si kastaba ha ahaatee, maalinta berri ayaa la filayaa in doorashadda lagu soo xulayo 11-ka xubnood ee Puntland u matalaya Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyadoona hadii maanta khudbadaha lagu soo gaba-gabeyn waayo ay dhici karto in doorashada xubnahaasi ay gaarto ilaa maalinta Jimcaha soo socota.

magaalada-garoowe garoowe-doorasho13 garoowe-doorasho12 garoowe-doorasho11 garoowe-doorasho10 garoowe-doorasho09 garoowe-doorasho07 garoowe-doorasho06 garoowe-doorasho05 garoowe-doorasho04 garoowe-doorasho03 garoowe-doorasho02 garoowe-doorasho01

error: Content is protected !!