Wararka naga soo gaaraya degmada Jilib ee gobolka J/dhexe ayaa sheegaya in Xarakada Al-shabaab ay halkaasi kusoo bandhigeen ciidamo la sheegay inay kasoo goosteen maamulka Jubbaland.
Askartaan oo ku labisan dharka ciidanka islamarkaana ku hubeysan qoryaha nooca AK-47 ayaa tiro ahaan gaaraya ilaa 6 askari, waxaana la sheegay inay ka tirsnaayeen ciidanka Jubbaland balse ay go’aansadeen inay isaga soo baxaan.
Ciidamadaan ayaa lagu sheegay inay ilaalo u kala ahaayeen wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Jubbaland Maxamed Faarax Warsame Darwiish iyo sidoo kale gudoomiyaha magaalada Kismaayo Ibraahim Maxamed Yuusuf (Timo- jilic).
Ilaa iyo haatan si dhab ah looga oga in ciidankaan ay ka tirsanaayeen ciidanka Jubbaland iyo inkale, iyadoona maamulka Jubbaland uusan weli ka hadlin askartaan ay soo bandhigeen Al-shabaab inay ka tirsanaayeen ciidankooda iyo inkale.