Xubnaha maamulka Jubbaland u matalaya Aqalka Sare ee baarlamaanka oo la doortay (AKHRISO)

Waxaa goordhaw lasoo gaba-gabeeyay doorashada xubnihii Aqalka Sare ee deegaanada Jubbaland ka soo galaya dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaas oo tiro ahaan gaaraya ilaa 8 xubnood.

Baarlamaanka Jubbaland ayaa maanta codka u qaaday musharixiinta u tartameeysay xubnihii Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya kasoo gali doonno Jubbaland.

Waxaa munaasabadda xubnahaasi lagu dooranaayay kasoo qeyb galay madax ka tirsan maamulka Jubbaland, guddiga doorashooyinka heer maamul goboleed ee Jubbaland iyo marti sharaf kale.

Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Jubbaland ayaa codka siiyay 8-da xubnood ee Jubbaland uga mid noqonaaya Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa 8-da xubnood ee lasoo doortay ka mid ah 1 qof oo dumar ah, wuxuuna maamulka Jubbaland noqonayaa maamulkii labaad ee soo doorta xubnaha Aqalka Sare, iyadoona maamulkii ka horeeyay uu ahaa Galmudug.

Hoos ka aqriso magacyada 8-da xubnood ee Jubbaland u matalaya Aqalka Sare

– Xasan Faarax Xujaale

– Axmed Xaashi Maxamuud

– C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag

– Axmed Macalin Cumar

– Mowliid Xuseen Guhaad

– Faadumo Xasan Aadan Giriyow

– Iftin Xasan Baasto

– Axmed C/xafiid Maxamed

error: Content is protected !!