DEG DEG:- Cumar C/rashiid oo ku guuleystay kursigii ugu horeeyay ee Puntland ku leedahay Aqalka Sare

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa goordhaw ku guuleystay kursiga Aqalka Sare ay Puntland ku leedahay baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Cumar C/rashiid ayaa noqday qofkii ugu horeeyay ee loo doorta kursiga Aqalka Sare, wuxuuna tartanka kaga guuleystay haweeney la tartameeysay oo lagu magacaabo Aamina Aadan C/laahi.

Xildhibaanada Puntland ayaa u codeeyay labadaasi musharax, wuxuuna Cumar C/rashiid helay 47 cod, halka Aamina Aadan C/laahi ay heshay 17 cod, iyadoona 2 codne ay xumaatay.

Tirada guud ee xildhibaanada codeysay ayaa gaareysay 66 xildhibaan, waxaana natiijada doorashada ku dhawaaqay Siciid Qorsheel oo ka mid xubnaha guddiga doorashadda dadban ee heer federaal.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!